FAAH FAAHIN Wiil Dhalinyaro Ahaa Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaasi oo si weyn looga yaqiinay Magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marxuumka loo dilay aano Qabiil.

Waxaana lagu soo warramayaa in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo haatan baritaano xoogan ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Mana jiro weli wax faah faahin oo ay saraakiisha ammaanka Galmudug ka bixiyeen howlgalladaasi.

Balse waxaa muddooyinkii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug ka taagnaa xiisado u dhexeeya maleeshiyaad wada daga Gobolkaasi.

SHARE