DAAWO SAWIRADA Nin Maraykan ah oo ururiyey kumanaan taariko oo ay ku jirto mida Soomaaliya

Andrew Pang oo ah nin u dhashay dalka Maraykanka, kuna nool magaalada Arlington ee gobolka Virginia ayaa uruuyay kayd la yaab leh oo ah taargooyinka waddamada adduunka intooda badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Marka aad gashid garaashkiisa waxaa ku dhex yaala madxaf yar oo uu taargooyinka ku taxay darbiga, waxaana safka koowaad suran dhammaan taargooyinka 50 gobol ee Maraykanka, kan xiga waa 13 ka gobol ee Canada, kan ka sareeyana waa Mexico.

Waxa uu uruurinayay muddo 40 sano ah, waxana uu sheegay in uu hawshan bilaabay kadib markii nin ay saaxiibo ahaayeen oo fasax u aadi jiray gobol kale uu haddiyad ahaan ugu keenay hal taargo oo uu awoowgiis lahaa “Nin saaxiibkay ahaa, darisna ila ahaa ayaa fasax u aadi jiray gobolka Louisiana xagaa kasta, mar ayaan ku iri maad haddiyad ii keentid, kadibna wuxuu ii keenay taargo” ayuu yiri Andrew.

Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu bilaabay in uu uruuriyo taargooyinka, isaga oo sidoo kale danaynayay qariidadaha dalalka adduunka, waxaana uu hadda heysataa ninkan in ka badan todoba kun oo taargo.





SHARE