Maxaa kala soctaa tirada Xoogaga Roobow ay Abal uga dileen Alshabaab (Akhriso)

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa dagaal uu dhiigbadan ku daatay oo u dhexeeyay Xoogaga Mukhtaar Roobow iyo Maleeshiyaadka Alshabaab.

Dagaalka oo aad u xooganaa isla markaana uu ka dhashay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka kala dhacay meel ku dhow Deegaanka Abal oo 18km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka Deegaanka Abal ayaa waxaa barbar socday dagaal kale oo ka dhacay Deegaanka Sayniilow oo 45km koonfur bari kaga toosan Magaalada Xudur.

Dagaalka ayaa sida aan horayba u sheegnay ka dhashay weerar dhabagal ah oo Xoogaga Mukhtaar Roobow ku qaaden Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Maxamed Nuuriyow oo ka tirsan Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed kana mid ahaa Saraakiisha qeybta ka ahaa dagaalka ayaa sheegay in Alshabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka.

Waxa uu Nuuriyow sheegay in dagaalka lagu dilay Seddex Sargaal oo xilal u hayay Alshabaab iyo Maleeshiyaad dhowr ah, waxa uuna intaa ku daray in maleeshiyada laga furtay Hub.

Maleeshiyaadka Alshabaab looga dilay dagaalka ayuu sheegay inay kor u dhaafayaan 18 Maleeshiyo oo ku dhintay dagaalka hore.

Sargaalka waxa uu intaa kusii daray in Khasaaraha dhaawaca uu gaarayo 23 Maleeshiyo kuwaa oo qaarkood ay ku qabteen dhaawac isla markaana ku jira gacanta Xoogaga Mukhtaar Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu gaaro magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur, halkaa oo uu ka dhisi doono ciidamo hor leh oo daacad u ah.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalada is barbar socday ee ka kala dhacay deegaanada Deegaanka Abal iyo Sayniilow ayaa ku soo beegmaya, xili maalin ka hor uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid iclaamiyay dagaal cusub.

SHARE