Ciidamada Xasilinta oo gacan ku dhigay Gaari raaxo oo laga dishay Guddoomiye

Ciidamada xasilinta caasimada ayaa howlgal ay sameeyen kusoo qabteen Gaari la sheegay inuu lahaa Guddoomiye laba habeen ka hor lagu dilay Degmada Deyniile.

Howlgalka oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa suuragashay in lagu soo qabqabto maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab kuwaa oo loo aaneynaayo fulinta dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa Guddoomiye Xero ku tiilay Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in Ciidanka Xasilinta Caasimadda ay qabteen Gaariga Marxuunka la dilay oo ahaa Spacio islamarkaana Habeen hore ay horay u wateen Dableydii Dishay Cabdi Nuunow.

Laamaha Ammaanka weli ma sheegin in ay Gacanta ku dhigeen iyo in kale Dadkii ka dambeeyay Dilka Marxuunka lagu Magacaabi jiray Cabdi Nuunow oo lagu dilay Habeen hore Tabeelaha Sheekh Ibraahim Ee Duleedka Magaalada Muqdishioo.

SHARE