XOG CUSUB: Madaxweyne Gaas oo Fashiliyay qorshe ay degtay Dowlada Qatar

Dowlada Qatar ayaa la sheegay inay maalgalineyso sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Gaas, waxaana xildhibaanada maamulkaasi loo balanqaaday lacago aad u badan hadii ay ridaan Madaxweynaha, balse waxaa qorshahaasi fashiliyay Gaas oo kulan la qaatay Xildhibaanada Puntland isagoo u balanqaaday inuu siinayo lacag aad u badan.

Wuxuu ka codsaday inay ka laabtaan Mooshinka la qorsheynayo in maamulkiisa laga keeno, wuxuuna kulanka intuu socday ugu baaqay xildhibaanada inay ka feejignaadaan dhagar uu sheegay inay Puntland u qooleyso Dowlada Federaalka Soomaaliya uu ku eedeeyay inay burburineyso maamul Goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee Dowlad Goboleedyada dalka waxaa si weyn u saameeyay Khilaafka dalalka Khaliijka kaasi oo xumeeyay Xiriirka Dowlada dhexe iyo iyaga, sidoo kalena qaarkood ay xilalkooda ku waayeen arintaas, halka kuwa kalena loo qorsheynayo in xilalka laga tuuro.

SHARE