Taliyihii Ciidamada xoogga dalka oo is casilay iyo Taliye cusub oo la magacaabay

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya inuu is casilay Taliyihii Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay magacaabeen Taliye cusub oo bedela.

Sida ay sheegayaan wararka Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Jen. Cabdi Jaamac Warsame oo loo magacaabay xilka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in muddooyinkan la hadal hayay is casilaada Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Cirfiid oo xilkan loo magacaabay bishii April ee sanadkan.

La soco wixii warar ee ku soo kordha

SHARE